Khayre oo xalay Virginia kula kulmay Soomaali

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali (Khayre) ayaa xalay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika kula hadlay gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Khayre ayaa ka hadlay wixii u qabsoomay mudadii ay jirtay Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Xukuumadda uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay, arrimaha amniga, dib u dhiska dalka iyo arrimo kale oo fara badan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka wuxuu kala hadlay arragtida waxyaabaha ay jeclaan lahaayeen in Dowladda ay ku biiriyaan, si loo gaaro hormaro iyo hiigsi cusub.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika ayuu ugu baaqay in looga baahan yahay in ay gacan ka geystaan dib u dhiska dalka, Dowladda dhankeedana aysan ka jiifan doonin wax u qabashada dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xasan (Khayre) oo khudbadiisa ay aheyd mid dheereyd ayaa sheegay Xukuumadiisa in ay ku guuleysatay bixinta mushaaraadka Ciidamada, isaga oo dhanka kale tilmaamay in Dowladda ay bixisay qeyb ahaan lacag dhan 5.1 Bilyan oo Dollar oo Dowladda lagu lahaa, inta kalena ay rajeynayaan in ay bixiyaan.

Intii uu Khayre waday khudbadiisa ayaa waxaa dhacday dhowr qof oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed oo boorar watay ay banaanbax ka dhigayeen banaanka, dadkaasi ayaa qeyb ahaan waxaa u suuragashay inay gudaha soo galaan, kadibna qaarkood ay qeyliyeen, taasi oo keentay in uu hakad galo hadalkii Ra’iisul Wasaaraha, balse markii dambe banaanka loo saaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.