Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho mudo 27 sano ah ka dib laga furay Iskuul lagu baran doono Habka duullimaadka (School of aviation) kaasi oo ay hirgiliyeen Hay’ada TIKA ee ah laga leeyahay Dalka Turkiga.
Munaasabad lagu furayay dhismaha Xaruntan cusub ee lagu baran doono Duulimaadka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullahi Oomaar iyo ku xigeenkiisa, iyo Maareeyaha Hay’adda Duullista iyo Saadaasha Hawada Somaliya, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo Wakiilka Hay’adda TIKA ee Soomaaliya.
Waxaa iskuulkaan ka faa’idaysan doono sida la sheegay ardayda daneyneysa in ay bartaan aviation-ka, waxaan furitanka Iskuulkan cusub ay ku soo aadaysaa xili dhawaan dowlada Federalka ah ay la soo waregtay Maamulka Hawada Soomaliya.
Schoolkaan ayaa Noqonaya Mid Sare uqaadaya Hammiga ardayda Soomaaliyeed oo Ku aadan in ay Bartaan Duul imaadka
Leave a Reply