Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo War saxaafadeed ka soo saartay xiisada Galmudug (Akhriso)

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay xaalada siyaasadeed iyo amni ee ka jirta magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug.

War saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay cambaareyneyso tallaabada lagu xayiray dhaq dhaqaaqyada Madaxweyne kuxigeenka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale waxaa lagu baaqay in si deg deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo, si ay u gutaan waajibaakooda.

Dowladda Federaalka waxay ku baaqeysaa in la ixtiraamo go’aankii Baarlamaanka Galmudug uu gaaray maanta oo ay taariikhdu tahay 26 September, loona hoggaansamo sareynta sharciga.

Halkan ka akhriso warqada ka soo baxday War saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay baahisay Warbaahinta dowladda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.