Taliyaha guud ciidamada qalabka ee Wadanka Turkiga ulus akar ayaa maanta soo gaadhay magaalada muqdisho ,waxaana garoonka diyaaradaha aadan cabdule adan ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaiya iyo Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya.
Socdaalka Taliyaha Ciidamada Turkiga ayaa ah mid hor dhac u ah Wafdi ka socda Dowladda Turkiga oo beri Muqdisho ka furi doona Saldhigga Turkiga uu ka dhisay Magaalada Muqdisho oo lagu Tababari doono Ciidamada Soomaaliya.
Hadana xaflada lagu soo dhaweynayo taliyaha cidamada dawlada turkiga ayaa ka socodta xaruunta waarada gaashaandhiga soomaaliya
waxaana hoolka ku sugan taliyaha cidamada xoga soomaaliya iyo tafiirka soomaaliya ufadhiya dalka turkiga iyo saraakiisha ciidamada xooga dalka.
guud ahaan amaanka Magaalada Muqdisho aya si weyn loo adkeeyay,waxaana Ciidamo aad u badan lagu Arkayay Wadooyinka Magaalada gaar ahaan Maka Al-mukarama iyo Wadada isku Xirta KM-4 illaa Garoonka Muqdisho.
Leave a Reply