(DAAWO) wasiirka amniga xumada soomaaliya oo xilalkii ka qaaday taliyaal ciidan.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda ayaa sheegay in Xilkii laga qaaday Saraakiil Ciidan islamarkaana Xabsiga la dhigay Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga.

Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga ayaa Xusay in Taliyaashii Booliska iyo Nabad Sugidda Degmada Xamar-weyne Xilkii laga qaaday,iyadoo Xilka qaadistooda loo sababeeyay Weerarkii ka dhacay Todobaadkii hore Degmada Xamar-weyne ee lagu dilay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka iyo Wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka,waxaana sidoo kale u xiran Weerarkaasi 12 Askari oo ka mida Ciidamada Ammaanka oo baaris ay ku soocoto sida uu hadalka u dhigay Wasiir Islow.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUULQAALKA.

https://youtu.be/EaOfkPTsDlg

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.