Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar isloow Ducaale ayaa Goor dhaw shaaciyay in Xilkii Laga qaaday Taliyaasha Ciidamada Boliiska iyo Nabad sugida ee Degmada Xamar wayne.
Wasiirku waxa uu sheegay in sidoo kale la xiray 12 Askari oo ka ag dhawaa Goob lagu dilay Xoghayaha Ururka Haweenka qaranka, oo dhawaan lagu dilay Degmada Xamar wayne.
Waxuu sheegay wasiirka in Rag Ka Tirsan Ciidamada amaanka soomaaliya oo Baaritaano sameeyay islamarkaana ku guulaystay in la abaal marin doono.
Ciidamada amaanka waxaa Farayaa in ay sii xoojiyaan amniga caasimada soomaaliya ee Muqdisho, sidaas waxaa yiri maanta wasiirka amniga soomaaliya maxamed abuukar isloow Ducaale
Leave a Reply