Daawo:Maxkamadda Sare ee Galmudug ayaa Ayiday Xilal Ka Qaadista Madaxwaynaha Galmudug iyo Madaxda kale

Dr Yaxye Shiikh Cali Maxamed Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee maamulka Galmudug ayaa goor-dhaw soo saaray go’aanka ay Maxkamadda ka qaatay Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamulkaasi, Gudoomiyaha Maxkamadda sare ayaa go’aamiyay in ay sax tahay Xil ka qaadistii Xubno ka tirsan Baarlamaanka maamulkaas ay ku sameeyeen Madaxweyne Axmed Ducaale Geele halka Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaankana uu xilkiisa ku waayay maqnaansho mudo ka badan 100 maalmood.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sharciyeeysay xil ka qaadistii sidoo kale lagu sameeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeynka maamulkaasi iyo gudoomiyelaha labaad ee barlamanka Galmudug waxaana xilka madawayne ee Galmuudg sii haynaya Gudoomiye ku xigeynka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.