Dhageyso:Puntland oo ka Hor jeesatay Shirka ka dhacaya Magaalada Kismaayo

camey

C/Xakiin Cumar Cameey  Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland oo manta Saxaafada kula hadlay  Magaalada Garoowe ayaa sheegay in aysan Puntland ka qeyb gali doonin Shir uu madaxweynaha Jubbaland uu ku dhawaaqay,kaasi oo ku aadanaa in Maamul Gobaleedyada ay Tagaan magaalada kismaayo ee Xarunta gobalka jubbada hoose.

Madaxweyne Camey ayaa sheegay in Puntland ay ka soo horjeedo shirkaasi ka dhacaya magaalada Kismaayo,Islamarkaana aysan jirin cid Puntland ku matali karta oo tagi karta Shirkaas.

Maamul gobaleedyada ayaa Waxaa Lagu Waday inay ka Shiraan Xiisada Khaliijka iyo Mowqifka ay ka qaateen Maamul gobaleedyada Arintaas,Maadaama Dowlada Dhexe ay Horey u Sheegtay inay Dhex dhexaad ka Tahay khilaafka u dhexeeya Wadamada Khaliijka.

Ilaa iyo hada lama oga go’aanka ay qaadan Doonaan Maamul gobaleedyada kale sida koofur galbeed,Hirshabelle,galmudug,maadaama Puntland ay ka soo horjeesatay shirka ka dhacaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbada Hoose.

Balse Madaxweynaha Jubbalanad Axmed maxamed islaam Axmed Madoobe ayaa Todobaadkii Tagay Sheegay in Shirkan uu ka furmayo Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose,isamarkaana looga hadli doono Arimaha Wadamada khaliijka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.