
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta lagu wadaa in ay u Ambabaxaan Magaalada Khartoum Ee Caasimadda Suudaan,waxaana la sheegay in Casuumaad Rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir.
Saraakiil ka tirsan Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Radio Kulmiye u Xaqiijiyay Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu Maanta ku aadayo Wadanka Suudaan.
Madaxweynaha ayaa Socdaalkiisa waxaa ku wehelin doona Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdi-dhuux Yuusuf iyo Xubno kale.
Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maalmo ka hor Safarkii Saddexaad ku tagay Boqortooyada Sacuudiga,iyadoo uu wali jiro Khilaafka u dhexeeya Wadamada Khaliijka Inkastoo Soomaaliya ay Go’aan dhex dhexaad ah ka qaadatay Muranka ka dhex Aloosan Dalalka Khaliijka
Leave a Reply