Maqaal:Awalba Waan Dareen Qabay”W/Q Abdiqaadir Jiijiile

jiijiile

Masuuliyeen aan Caawo kismaayo kala hadley ayaa ee xaqiijiyay in Qilaaf Soo kala Dhax Galey Madaxweynaha Jubaland Axmed madoobe iyo Siyaasiyeenta Kasoo Jeedo gobolka Gedo uu Rabay inay baajiyaan shirka lagu qabanayo magaalada kismaayo.

Madaxweyna ku xigeenka jubaland maxamuud Sayid Aadan iyo Abdirashiid Xasan Abdinuur Wasiirka Amniga jubaland oo shalay kulan muddo saacado ah qaatay layeeshay axmed madoobe ayaa kula taliyay Madaxweynaha jubaland in aysan jubbaland arintaas ku lug yeelan balse axmed oo ay ka go’antahay hagardaameynta dowladda federaalka ah ayaa arinkaasi diiday kuna adkeystay inuu shirka Qabanayo.

Ilo wareedyo ka agdhaw Siyaasiyeenta Reer Gedo ayaa ee xaqiijiyay in Maalmaha Soo Socda Wafdiga Siyaasiyeenta ah ku laaban doonaan Gobolka gedo oo ay awal kasoo kictimaan, sidoo kalane laga yaabo in ay falcelin sameeyaan maadaama dalabkooda la.diiday

Axmed Madoobe oo la aaminsanyahay in lacagta ay imaaraatku bixisay uu saamigiisa ka helay ayaa u dhaqmaya sida qof dhuumanayo dhabarkiisuna muuqdo isaga oo dowladda isaga dhigayo in uu ayada go’aankeeda Ayid sanyahay,

Wuxuuna Rabaa in shirka kismaayo uu ku qabanayo uu ku Docfaruur dowlada kulana dagaalamo xulafada sucuudigane uu ku raali Galiyo.

By Abdiqaadir Jiijiile

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.