(DAAWO) Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta u dhoofay wadanka Suudaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farjaamo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay wadanka Suudaan kaddib markii uu caasumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Suudaan Mudane Cumar Xasan Al-Bashiir.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliya marwada koowaad Saynab Cabdi Macalin, wasiiro ka tirsan gollaha xukumadda, xildhibaano iyo taliyaha ciidamada booliska.

Labada madaxwayne ayaa kulankooda uga wada hadli doono xoojinta xiriirka labada dal,waxbarashada, dhaqaalaha, xanaanada xoolaha,beeraha,isboortiska taasoo sii xoojin doonta xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan .

Waa safarkii ugu horeeyay uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tagayo wadanka Suudaan, booqashadan oo rasmi ahna waxay qaadanaysaa muddo labo cisho ah.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka iyo sawirada:

 

https://youtu.be/FrFi5NNWcH4

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.