Daawo:Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta xukuntay Eedeysanayaal lagu qabtay Maandooriye

muqdisho

Maxkamadeynta raggaan ku eedeysnaa ka Ganacsiga iyo isticmaalka waxyaabaha Maanka sida Xashiishka ayey Maxkamada Gobolka Banadir ku qaadey Xarunta C I D-da Muqdisho oo laguso xirey 30-kii bishii tagtey, kuwaasi oo laguso qabtay Howl-gal ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ka sameeyen Degmadda Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Aweys shekh Cabdulaahi Wehliye, isagoo sheegay in lagu xukumay Seddex kamid ah afartii qof ee maxkamadda lasoo taagay oo kala ah Daahir Maxamed Maxamuud, Maxamed Xasan Cali iyo Cali Faarax nuur qofkiiba min Lix bilood oo dhaqan celin ah, halka Cawaale Faarax nuur maxkamaddu ay siideysay, kadib markii wax dambi ah lagu waayey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.