Gudoomiye Ku xigeenka Maxkamadda Sare ee Galmudug oo ka hor yimid go’aankii Yaxye

Kadib markii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug uu shalay ku dhawaaqay in Maxkamaddu ay ansixisay dhammaanba xil ka qaadistii Madaxweynaha Galmudug, Ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa soo baxayay warar arrintaasi ku saabsan oo is khilaafsan.

Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare iyo xubno kale oo ka tirsan Garsoorka ayaa beeniyay go’aanka Guddoomiyaha, kadib hadal ay siiyeen warbaahinta.

C/qaadir Maxamuud Cilmi Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ayaa sheegay go’aankii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yaxye uu baal maray nidaamka garsoorka, islamarkaana uusan qeyb ka aheyn warka ka soo baxay.

Go’aamada is diidan ee ka soo kala baxaya xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug ayaa sii hurinaya khilaafka siyaasadeed ee maamulka Galmudug.

“Halkan waxaan ka cadeynayaa Guddoomiyaha warkaas laga sheegayo inaan waxba ka ogeyn, sal iyo raadna uusan laheyn, been abuurna yahay, aanan is arak, xilka Guddoomiyaha horey ayuu uga tagay Yaxye.” Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.