Madaxwaynaha Soomaliya ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Suudaan

Madaxweynaha Jmahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Khaartuum ee xarunta Dalka Suudaan, Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir iyo xubno ka tirsan golayaashiisa Dowladda iyo mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa socdaalkooda waxa ay qaadan doontaa muddo labo cisho ah, waxaana dhigiisa Sudan ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal.

Sidoo kale labada Mas’uul ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Ammaanka iyo sidii Dowladda Suudaan ay kaalin uga qaadan lahayd dib u dhiska iyo xasiloonida dalka, iyagoo kala saxiixan doona heshiis ku dhisan dhinaca iskaashiga.
sudan

sudan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.