Madaxweyne Farmaajo Oo Booqanaya Suudaan

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa ay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah maanta uga bilaabaneysaa dalka Suudaan .

Madaxweyne Farmaajo waxaa safarkiisa ku wehlinayay Wasiiro iyo xildhibaano oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda Amb.Yuusuf-Garaad Cumar , Maaliyadda Xil. Dr.Cabdiraxman Ducaale Beyle, Beeraha  Xil. Saciid Xuseen Ciid, Dhalinyarada iyo ciyaaraha Khadiiyo Diiriye.

Inta kuu Khartuum joogo, Farmaajo waxaa uu wada hadal la yeelan-doonaa Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir, Madaxweyne ku-xigeenka iyo ra’isul wasaaraha Bakri Xasan Saalix iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa kale, oo Jadwalka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ka mid ah in ay soo booqdaan warshado badan iyo goobo badan oo waxbarasho ka hor inta aaney dhigooda Suudaan la saxiixan heshiisyo dhinacyo badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.