Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la yeeshay Micheal Keating

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Micheal Keating oo ah Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid gaar ah socdayna mudo saacad ah ayaa dhinacyadan waxa ay kaga wada hadleen arrimo fara badan oo la xiriira xaalada iyo hormarinta Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo Micheal Keating ayaa si gaar ah uga wada hadlay Talinta sharciga, Ammaanka, Kaabayaasha dhaqaalaha, bixinta adeegyo bulsho.

War kooban oo Micheal Keating uu ku soo qoray Twitter-kiisa ayuu ku sheegay in Qaramada Midoobay ay sii xoojineyso taageerada ay siineyso Dowlad goboleedka Hirshabeelle, si loo gaaro hormaro la taaban karo.

Sidoo kale Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa cadeeyay in ay la dhacsan yihiin hanaanka Maamul oo uu ku shaqeynayo maamulka Hirshabeelle.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa uga mahad celiyey Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Hirshabeelle

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.