Wafdi ka socda IGAD oo kulamo la qaatay Madaxweynaha Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale.

Wafdi ka socda Midowga Africa ayaa gaaray magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Galmudug waxayna xalay kulamo la qaateen Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” iyo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Maamulkaasi Xareed Cali Xareed iyagoo ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee deegaanka.

Sidoo kale Wafdifga ayaa maanta la kulmi doona Dhinaca kale oo ay ka mid yihiin Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Maamulkaasi waxaana la sheegay in ay kala hadli doonaan Xiisada deegaanka ka taagan.

Wafdigaan oo shalay gaaray cadaado ayaa wada dadaalo labada dhinac la isugu keenayo madaama ay ku kala aragtiyo duban yihiin Siyaasadda Galmudug si loo afjaro Khilaafka saameeyay deegaanka.

Waa wafdigii ugu horeeyay ee ka socda midowga africa oo Cadaado u tago Xal raadinta khilaafka Madaxda maamulkaasi oo meel xun gaaray lagana cabsi qaba in uu amaanka galmudug uu saameeyo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.