Deegaanka Lajiide oo udhexeeya Magaalooyinka Balanballe iyo Xeraale ee gobalka Galgaduud oo ay kunool yihiin 650 Qoys oo iskugu jira dad Abaartu soo barakicisay iyo kuwo kusoo barakacay dagaaladii bilo ka hor kadhacay Xeraale ayaa ka cabanaya Xaalad Bini’aadnimo oo soo wajahdey.
Qaar kamid ah Bulshada kunool deegaanka Lajiide oo la soo xiriiray Radio Daljir ayaa sheegay in aysan haysanin Biyo iyo Baad toona waxaa ay sheegeen in fuustada Biyaha ah ay ugu timaado Boqol kun oo Shilinka Soomaaliga ah.
Dhanka kale waxaa ay sheegeen iyadoo lagu jiro xili Roobaad Dayrta dadka ka soo barakacay Xeraale aysan haysan meel ay gabaad uga dhigtaan Dhibicda roobka iyo Qoraxda
Wariye Ayaanle Cabdulaahi Jaamac ayaa waraystay
00252615992659 Siyool oo kunool deegaanka la jeede
Leave a Reply