
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa iska casilay safiirnimada sababo la xiriira arrimo isaga u gaar ah.
Ambassador Schwartz ayaa ahaa safiirkii ugu horeeyay ee uu Mareykanka u magacaabo Soomaaliya muddo rubac qarni ah, waxaana xilka loo dhaariyay bishii June sanadki 2016-kii.
Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u xaqiijiyay VOA-da is casilaadda safiirka, isagoo sheegay in iscasilaadiisa la soo gaarsiiyay laba maalmood ka hor.
Safiirku waxa uu sheegay in Mr. Schwartz uu isu casilay arrimo isaga u gaar ah.
Leave a Reply