Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar oo Khadka Taleefanka ku wada hadlay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qadka telfoonka kula hadlay Madaxweynaha Masar Al siisi oo ay isku soo hadal qaadeen dhibaatada Argagexiso ee Soomaaliya ka jirta.

Ugu horeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa dhigiisa Masar uga warbixiyay xaalada gudaha Soomaaliya dhinaca amaanka iyo xasiloonida.

Madaxweynaha Dalka Masar ayaa dhigiisa Soomaaliya u sheegay inay garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Al siisi ayaa balan qaaday inay sii wadayaan ka taagerida sidii Soomaaliya uga gudbi lahayd khatarta argagexisada.

Labada Madaxweyne ayaa isku raacay xoojinta xiriirka adag ee ka dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.