Wasaaradda Amniga oo ka hadashay Howlgalada magaalada Muqdisho

Afhayeenka wasaarada Amniga ee xukuumada Somalia Axmed maxamuud sayid carab oo  la hadlay warbaahinta

ayaa waxaa uu sheegay in ay aruuriyen hubkii sida sharci darada ah loogu heystay magaalada muqdisho.
Sidoo kale afhayeenka  ayaa tilmmay in Hubkii cuslaa ee muqdisho lagu dhex wadan jiray aan maanta sidii hore loogu wadan waxaana uu xusay in taasi ay keentay howlgalo ay sameeyeen ciidanka xasilinta sida uu sheegay.
Axmed Maxamuud Sayid Carab Afhayeenka wasaarada amniga ayaa

dhinaca kale waxaa uu sheegay in shabaab ay duulaan ku yihiin shacabka muqdisho oo uu tilmaamay in ay shabaab ay dilaan shacabka muqdisho oo aysan cidna u kala turin sida uu hadalka u dhigay waxaana uu bulshada ku nool muqdisho ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Hey’adaha Amaanka.
Wasaarada Amniga ayaa horay u sheegtay in howlgalka xasilinta Amniga caasimada ay qeyb ka tahay uruurinta hubka sharci darada ah iyo sidoo kale in la dhimo ciidanka tirade badan ee la socda mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.