Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo Xalay Qudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Munaasabad lagu Xuska Calanka Soomaaliya oo ka dhacday Magaalada Muqdidsho ayaa ku soo hadal qaaday Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka ka jirta iyo sidii looga gudbi lahaa Daruufaha ku xeeran Dalka.
Xasan Cali Kheyrre oo Qudbada uu jeediyay u muuqatay mid Jawaab u ah Go’aanadii ka soo baxay Shirka Madaxda Maamul Gobolleedyada ee ku shiray Kismaayo ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin Dhaliilaha lagu duminayo Dowladnimada kuwa laga leeyahay Ujeedooyinka Gaarka ah.
Leave a Reply