Degmada Baladxawo oo ah degmo sadex xagal ah dhacdana xaduuda wadamada Kenya degmada Mandheera iyo Ethiopia oo Suufka ah.
Baladxaawo ayaa waxaa degmo ahaan u aqoonsaday Dawladii Kacaanka iyadoo muddo gaaban ay ahayd magaalo madaxda gobolka Gedo waloow markii danbe loo wareejiyay Garbahaarey oo ah haatan xarunta gobolka.
Iyadoo degmadu koritaankeedu uu si tartiib ah kubilawday hadana kadib burburkii dawladii dhexe oo ummadii qax iyo barakac billaabeen ayuu sii xoogaystay.
Waxa ay noqotay Baladxaawo meel marin u ah maatadii ka qaxaysay dagaaladii ahliga ahaa ee dalka kasocday, oo keenay in malaaayin muwaadiniin ah ay miciin badaan dalalka dariska iyo dibada.
Taa ayaa keentay in degmada(Baladxawo) ay noqoto hoyga dad aad utiro badan oo iyagu laba qeyb kala noqday markii ay soo gaareen.
Waxa ay ukala qeybsmayn labo, qeyb safarkii dheeraa uga sii gudbay dalalka darisk , halka kuwo kale ay ku nagaadeen dalka.
Kadib imaanshiyihii dadweynihii tirada badnaa,waxaa dhanka kale billaabmay deegaamaysi xoogan iyo in degmadu hoy u noqoto kumanaan qof oo doortay in ay ku qaataan nolashooda qeyb ama inta kadhiman.
Dhismayaal cusub iyo dhaqdhaqaaq xoogan oo xaga ganacsi ayaa kasoo iftiimay degamada,taana ay kaliftay in dad badan ay yagleelaan goobo waaweyn oo ganacsi kana hirgaliyaan gudaha degmada.
Waxay degmadu noqotay deked ay kusoo xirtaan gawaari badan oo alaab iyo bagaash kala gedisan usida ganacsatada ka ganacsada magaalada iyadoo dhaqdhaqaaqii uu gaaray in degamdu ay xiriir ganacsi la yeelato wadamada deriska ah oo inta badan u ganacsigoodu uu ku xirmay degmada (Baladxawo).
Marka aad tagto Baladxaawo,inta aad dhex socota waddooyinka waaweyn ee dhaca bartamha magaalada ,waxaa ay indhahaadu qabanayaan,isu socodka gawaarida iyo dadka oo sababa saxmad ballaaran xilliga maalintii.
Sidoo kale ganacsatada degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxa u gudba raashinka iyo waxyaabaha duruuriga ah ,iyadoo la adeegsanayo gaari-dameero si loo gaarsiiyo degaanada hoostaga Mandhera.
Inkastoo ay adagtahay in waxyaabaha loo gudbinayo la marsiiyo Kastanka oo qaab sharci ah aanay ku galin ,ayna ugu wacantahay xirnaashiyaha Kastanka oo intii muddo ah xirnaa.
Baladxaawo ayaa lagu tilmaama ‘Deked’ oo loola jeedo dhaqdhaqaaqa sii laba lixaadsanayo ee degmadu ay ku sii tillaabsanayso maalinba maalinta kadanbayso.
Si kastaba ganacsiga ayaa waxaa maamulka magaalada uu ka faiidaa lacag xoog leh oo caanshuur ahaan uu kaga qaado ganacasatada ,waloow wax dib ugu soo laabto dadweynaha aanay jirin si wax loogu qabto baahiyaha aasaasiga ah ee ay tabanayaan .
Haddii qaab wanaagsan loo maarayn lahaa qarshka loo helo caanshuur ahaanta, waxaa maanta degmadu ay ku naaloon lahayd hormar taaba gala,kaabayaal dhaaqaale oo dhisan iyo hormarka oo intaa kasii balaaran lahaa hadii la sameeyo qodobadan.
a)In dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan sida culimad,odayaasha,ganacsatada ,siyaasinta intooda wax gal ah ee dareenku ku dambeeyo iyo aqoonyahanadu ay ku baraarugaan waxa ay qabsan karaan iyagoo eegaya masaalixda guud oo mid gaar ahaaneed ka fogaanayo.
b) in si dhab ah loo wajaho xaqiiqada magaalada kajirto oo ah in dib u heeshiisiin buuxda loo sameeyo dhammaan dadweynaha iyadoo aanan la fiirinayn danaha beel walbo ay helayso balse laga eegayo danta degmada.
c) In la sameeyo gudiga isku dhaf ah oo laga kala soo xulo bulshada qeybaheeda kala duwan gaar
ahaan ;
-Culimada
-dhaqaale yahannada
-gudiga ganacsatado xubno kamid ah
Xubnahaan ayaa noqonayo maamulka maaliyad degmada oo noqonayo maamul ka madaxbanaan mamulka degmada iyagoo shaqadoodu noqonayso isku dubaridida ,ururinta iyo ka tala bixinta habka ugu wnagsn ee loo ilaalin karo caanshurta degmada kasoo xarooto si loo helo adeeg bulsho sida isbitaalo ,waddooyin,dugsiyo waxbarasho i.w.m. Inta laga helayo maamul maaliyadeed oo lagu kalsoonaan karo.
Waxaa ay dajinayaan hiigsiga dheer iyo kan fog ee degmadu yeelanayso iyadoo isku tashi iyo iskaa wax u qabso gundhig looga dhigayo hawsha dhammaanteed , iyagoo si hufnaan iyo hawlkarnimo kudheehantahay u gudanayo waajibaadka loo igmaday si unoqdaan kuwo taariikhdu xusto, dadkuna wanaag iyo mustaqbal ifayo u hor kacaaan.
Qodobada kor ku xusan ma dhaqan galayaan haddii kuwan aan gadaal inkugu soo gudbinayno aanay fulin.
-Is aaminada bulshada iyo madaxda
-Wada tashi
-Isku tashi
-Isu tanaasul xilliyad la isqabto
-Midnimo kawada shaqayn
-is qadarin iyo istixgalin
-Kashaqaynta nabadda (Dadka oo wada noqdo nabad dhaliyayaal)
-Sinaan iyo cadaalad-in dadku wada sinaadaan oo dad gaar ah aanay awooda maamul iyo xukun gacanta kuwada dhigin ee in wax dadka kadhexeyo ay noqdaan.
Waa qodobo si marka loo fiiriyo adag hadiise si dhab ah loo turxaan bixiyo u horseedi kara bulshada ree baladxaawo mustaqbal wanaagsan muddo gaaban gudahood.
Mahadsanidin.
W/q Shuaib Abdullahi
Abdile5581@gmail.com
Leave a Reply