Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen raadinta koox ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo la sheegay inay ka gudbeen Soomaaliya una talaabeen dhinaca iyo Kenya si ay u fuliyaan weeraro lagu bartilmaamaysanayo shaqaale rayid ah iyo kuwo amaanka qaabilsan oo ku sugan Magaalada xeebta dhacda ee Lamu.
Afhayeenka ciidamada Kenya David Obonyo ayaa sheegay inay ogsoon yihiin in kooxdaasi ay kasoo gudubtay Soomaaliya iyagoo soo maray Keynta Boni,meelaha uu weraradoodi uu ku wajahan yahay waxaa kamid ah Lamu iyo Garisa oo u dhow xadka Kenya iyo Somalia.
Obonyo ayaa sheegay in dagaalamayaasha Al-shabab ay isku qeybiyeen ilaa 3 koox kuwaasi oo si weyn u hubaysan.
Booliska Kenya ayaa ka digaya in ay jiraan weeraro abaabulkoodi soo dhamaaday ay kooxahaasi ka geesan rabaan magaalooyinka xeebta dhaca ee Kenya.
Sirdoonka Kenya ayaa ku biirinaya warbixintaan in kooxdaan aysan lahayn xarun suurta galin karta in lagu bartilmaamaysado taasi oo adkesay in lasii joogteeyo howlgalka lagu baacsanayo.
Bishii tagtay ayay aheyd markii koox kabadan 30 Dagaalamayaal oo ka tirsan Al-shabab oo ay weerareen Tuulo hoostagta Lamu halkaasi oo ay ku gowraceen afar qof
Leave a Reply