Ciidamada dowladda oo isaga baxay deegaanka Bariire ee Gobolka Sh/Hoose

Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa saaka isaga baxay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay la wareegeen bishii August ee sanadkan.

Sida ay sheegayaan wararka ka bixitaanka deegaankaas oo horay ciidamada si dhib leh ay uga saareen Al-Shabaab ayaa aheyd mid lama filaan ah.

Ciidamada ayaa la sheegay inay aadeen dhanka Afgooye iyo xerada Laanta Buuro, waxaana deegaanka Bariire saaka la wareegay Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay weeraro ku qaadayay deegaanka Bariire oo ay saldhigyo ku lahaayeen ciidamada dowladda.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay fariisin ka sameysteen labadii xero ee ay degenaayeen ciidamada dowladda ee ku yaalla dhanka galbeed iyo bariga deegaanka.

Bariire ayaa ah deegaan istiraatiiji ah oo qiyaastii degmada Afgooye u jira illaa 60KM, waxaana la sheegaa inay aheyd goobaha Al-Shabaab weerarada ka soo qaadi jireen.

Ka bixitaanka Ciidamada Milateriga ee deegaankaas ayaa ku soo aadaya, iyadoo Khamiistii ay is casileen Hoggaankii Ciidamada, sida Wasiirkii Difaaca iyo Taliyaha Milateriga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.