Maamulka Axmed Madoobe oo Wariyayaal Afduubtay Horjoogaha Maamul Gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magaalada Kismaayo ka qafaashay Labo Wariye oo ka hawlgala gudaha magaalada.
Wariyayaashaan ayuu Horjooge Axmed Madoobe kusoo eedeeyay inay tabiyeen mudaharaadkii shalay ka dhacay magaalo madaxda gobalka Gedo ee Garbahaareey.
Wariyaashaan ayaa ahaa kuwa u shaqeeya TV-yadda Soomaalida, Xiliga ay Maleeshiayaadka Axmed Madoobe ay xariga kula kacayeen ayay ku gudo jireen hawlo maalmeedkooda warbaahineed.
Wariyaasha afduubka lagula kacay waxay kala yihiin
1-Maxamed Qaasim Cali. Saab TV.
2- Saabir Cabdiqadir. Somali cable TV.
Caburinta lagu hayo Saxaafadda xorta ah ayaa ahayd mid aad uga sii daraysay mudadii danbe, waxaana aad loo dareemayay ka dib khilaafkii soo kala dhex-galay Maamul Gobaleedyada iyo Dowladda Fedaraalka.
Maamulka Axmed Madoobe iyo Maleeshiyaadkiisa ayaa horey loogu eeedayn jiray inay ka gaystaan magaalada Kismaayo falal iyo tacadiyo ka dhan ah Bini-aadanimadda.
Ciidamada Nabadsugida Jubbaland ayaa waxay ka qaateen Mobaaladii Wariyaashii Lgu xiray kismaayo kadib markii tabiyeen banabixii looga soo horjeedya Maamul goboleedyada ee kadhacay Garbahaaray waxayna Nabadsugida Jubbland warar Been abuura ku qoraayaan Faceboogooda, Sida Noo sheegeen qaar kamida Nabadsugida Jubbaland ayaa warbaahinta Gedotimes u xaqiijiye in wariyaasha kala aha Maxamed Qaasim iyo Saabir Jir dil loogaystey.
Leave a Reply