Gudoomiyaha gobolka Nugaal ee maamulka Puntland Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa faahfaahin ka bixiyay Siyaasiyiin shalay lagu xiray Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.
Waxaa uu sheegay in dadkaasi ay sameyeen Falal kasoo horjeedda Amniga iyo sidoo kale dastuurka maamulka Puntland.
Gudoomiye Faraweyne ayaa xusay in dadkaasi dhawaan la marsiin doono Sharcigga, maadaama ay wateen Magac aan ka diwaan gashaneyn maamulka Puntland.
Siyaasiyiintii shalay la xiray ayaa ka tirsanaa Madasha Samata bixinta Puntland.
Xubanaha la xiray waxaa ka mid ahaa Dr. C/raxmaan Siciid Maxamud (Dhegawayne) oo xilal kala duwan Puntland ka soo qabtay,Daahir Ciiro oo horay u noqday Xildhibaan Dowladii Fedraalka KMG aheyd ee Soomaaliya, Ganacsade Duni Maxamed Guulato iyo Faysal Faarax Cali
Leave a Reply