Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa maanta ku wajahan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Wasiiro ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya, Xildhibaano, iyo Saraakiil ciidan ayaa ku wehlinaya safarka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ee Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Mas’uul ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa inoo sheegay in Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh aadan uu halkaas u tagi doono arrimo la xiriira hormarka deeganada maamulka koonfur Galbeed Soomaliya iyo sidii uu ula kulmi lahaa Maamulka Xudur ee Gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed.
Leave a Reply