Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulmaya kana hadli doona Arrimo Dhowr ah

barlamanka

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in ay ku kulmaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa la sheegay in ay Maanta Cod u qaadi doonaan Heshiiska Isdhaafsiga Maxaabiista Dalalka Soomaaliya iyo India.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaan Maalmahaan aan kulan yeelan,waxaana Kulankii ugu dambeeyay uu ahaa mid u baaqday Kooram la’aan,islamarkaana wixii ka dambeeyay aysan kulan yeelan.

Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka  ayaa saakay si weyn loo adkeeyay,waxaana Ammaanka Xarunta sugaya Ciidamada Booliska Soomaaliya kuwooda Ilaaliya Kulamada Baarlamaanka Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.