Xildhibaanada oo ansixiyay heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ee Hindiya iyo Somalia

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ansixiyay heshiiska maxaabiis isu celinta ee dhex maray Soomaaliya iyo Hindiya, kaasoo ay soo saxiixday Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka Xildhibaanada Golaha shacabka oo ay soo xaadireen illaa 160 Xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan.

Xildhibaanada ayaana cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista ee Soomaaliya iyo Hindiya, ma jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid ansax ah, iyadoo wixii hada ka dambeeya loo gudbi doono in la dhaqan geliyo, marka uu saxiixo Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa bishii August heshiis ku aadan is dhaafsiga Maxaabiista la saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda Hindiya.

Heshiiskan ayaa dhigaya in maxaabiista Soomaalida ee xukunka ku dhacay in loo soo wareejiyo dalkooda oo ay ku dhameystaan xukunkooda.

Xabsiyo ku yaalla dalka Hindiya ayaa waxaa ku xiran maxaabiis gaaraya boqol maxaabiis, oo loo heysto dambiyo la xiriira burcad badeednimo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.