Waan ka xumahay Xad Gudubka Wariyahaan lala daba dhigtay.
Waxaan ahay Muwadin U dhashay Jubbaland Dhib iyo dheefba xaq ayaan u leeyahay in aan la wadaago Bulshadayda waxan ahay Saxafi u adeego Bulshada islamarkaana ah isku xirka indhaha dhagaha Masuuliyiinta iyo Rayidka aan is haleelin
Xaq uma lihi in aan ka aamuso Jir dil iyo dhibaato Joogto ah oo ay ii gaystaan Ciidamo aysan Howshooda iyo Shaqadooda ahayn lacalaba hadii ay dhacdo in aan sheego wax aan sal iyo raad lahayn amaba wax u dhimi karo jiritaanka wada jirka Bulshada.
Xabsigi_koowaad_bilaa_sabab
12 September 2015 Caleema Saarkii Madaxweynaha Jubbaland
Anigoo ku jiro Shaqo howleedka Warka ayaa waxaa si bareer ah la iiga soo waday Halka ay ka socotay Caleema Saarka indhaha ayaa la ii xiray waxana la igu dhex tuuray gaari xiligaasi
ma garanayn Halka la ii wato iyo Cida aan u afduubnahay waxa la i geeyey Xaruunta Keytoo oo xiligaasi ahayd Xabsi dad badan lagu Ciqaabo Waxaa la ii bilaabay Ciqaabtaydii ahayd Jirdil Koronto iyadoo aysan jirin Danbi aan galay iyo tabasho ku aadan in aan gudbiyey warar qaldan
Xabsigaasi waxan ku jiray Mudo lix Cisho ah iaydoo intii aan ku jiray Habeyn kasta Biyaha bada Koronto iyo jirdil la iigu geystay. Halkaasi
siideyntayda oo qaadatay Malmo Subixii danbe waxa isoo galay askari wuxuu igu war galiyey in la isii dayn doono balse shardi aana Sheegi karin dhibaato kasta oo la iigu geystay Xabsigaasi.
Xabsigii_labaad_bilaa_sabab
13″ July 2016. Ururka Saxafiyiinta Madaxa Banaan ayaa qaar ka mid ahi waxay Gudoomiye u Doorteen Wariye Khadar Maxamud Xared waxan ka mid ahaa Wariyaasha Doortay Khadar Maxamuud Xared
15 isla July Maalin Jimce ah aniga iyo Wariyaal Badan oo Joogno hotel Kismayo ayaa waxaa noo yimid labo nin oo askar ah si gaar ah ayey igu yeeren waan u soo istaagay indhaha ayey wariyaashi kale wax kala Socdaan ka dib markii aan u imid waxay igu yirahden Na hor qabo! Waxan ku jawaabay Na horqavo caqli mahane isheeg wax aan idin ku hor qabto waxaa la iila soo baxay bistoolad iyadoo qadaadka la iga saaray islamarkaana si xoog ah ayaa gaari nooha ah la ii galiyey
iyadoo Ciidankasi ay ka amar qataan Nin lagu magacaabo jibriil war wareejin Badan ka dib waxaa la igu soo xiray xabsi dhib badani ka jiro oo loo yaqaano Fiaad halkaas oo ay iiga soo horeysay Jirdil iyo jareexooyin bilaa sabab ah taas oo ka dhigtay rajadii aan ka lahaa jubalnd 45%
Dadaal iyo juhdi badan kadib waxan dib u helay Xuriyadeyda anigoo og dhibaatada la ii gaystay si la mid ah sidii hore ayaa waxaa la iiga digay in aana sheegin jirdilka la ii gaystay oo feerahaygu diilimo diilimo u yeeshay.
Xabsigii_Sadexaad_bilaa_sabab
14 October 2017 Maalin sabti ah waxaa gaarigeyga waday Wariye Maxamed Qasim Waxar. Aniguna waxan saarnaa shirka hore ee gaariga waxan soconay wado
anigoo xiligaasi damac sanaa in aan muuqaalo bilicda Magalada Kismayo. Iyo Wareyso ka turjumayo Tayeynta bilcda Magalada Kismayo u doonto Magalada ayaa waxaa gaariga soo ag is taagay askar Bistoolado ku hubeysan waxay u wacdeen Maxamed Qasim waxayna la galeen gaarigii ay wateen wayna iga dhaqaaqeen
waxan korey shirka darawalka gaarigeyga oo awal uu waday Maxamed Qasim anigoo yaaban ayaan dhaqaaqay waxaase si ka dis ah luuq iigala hadlay mid ka mid ah askarta bistooladaha wadato kaas oo lahaa istaag ha dhaqaaqin waan istaagay oo ma amar diidin waayo ma jirto danbi aan cid ka galay askarigii ayaa gaariga si xoog ah u soo korey shirka darawalka isagoo markaasi isticmaalayo awood qori
gabar Xafada ah oo gariga saarnayd ayan ka codsaday ka hor inta aan la i xirin in aan xafada geeyo yaa allahu ayan gabadhi xafada ku keenay ka dibna waxaa naloo soo ka xeeyey Xabisiga Fi’aad. Ws sharci
waxay xireen maxamed Qasim waxayna iishegeen anigu in aana wax danbi ah lahayn balse aan bixi doono waxay baareen labo laabtoop oo saarnaa gaarigeyga oo aan anigu leeyahay waxay sidoo kale baareen telephone keygii gacanta wax macluumad ah oo anfaco way ka waayeen waxayna isheegeen in aan bixi karo
garigii ayaan kala wareejiyey waxayna igu qabsadeen telephone markaa gaariga saarnaa oo aan u haystay in ay lahayd gabadhii Xaafada aan geeyey telephone kii ayey iga qaadeen waxayn igu bilaabeen feer iyo haraanti iyagoo afar ah anigoo jugtaas qabo ayey gudaha xabsiga ii galiyeen 35dhiigyacab manaxayaal ah oo ku diirsado jaqista dhiiga biniaadamka waxay igu bilaabeen jirdil suun baad Ul iyagoo markii ay daalaanba God biyo ah igu dhex ridayey dhawaqa qayladaayda waxay gaartay dhamaan inta ka ag dhaw Xabsigaasi waayo si ka baxsan biniaadanimada ayey ii dileen iyagoo markii aan juuq gabay sidii meydka oo kale dhulka iigu jiiday
Dhibaatooyin_kale
, 5/9/2017 Xili habeyn ah anigoo ku sii jeedo xaafadayda ayaa waxa iga hor yimid jag point ay joogan labo nin oo booliis ah sharcoga wadooyinka ee xiliga habeynka ayan maray anigo shiday layrka dhexe ee gariga damiyeyna layrarka hore ee gaariga
markan dhaafay ka dib ayay iga daba dhawaqeen wana u soo laabtay la igama hadashiin oo waxaa la igu bilaabay baad iyo jug waxayna iga qaten telephone iPhone 6 s plus ah waxan tagay xaruunta booliiska Magalada kismayo anigoo dacwo ah waxana isoo racaay taliyihii xiradaasi waxan tusay nimanki wuxuna ii balqn qaday in uu shaqo ka qaban doono islamarkana telephone uu ka soo saari doono ilaa hada waan sugaa.
Sharaf dhac ayey ku tahay Magaca Dowladnimo in loo is ticmaalo wax ka baxsan Xadka Biniaadamka. Waana mida keentay in aan soo bandhigo dhibaato kasta oo aan la aamusnaa.
W/qorey Dhibane Wariye Saabir Abdulkadir Warsame
Leave a Reply