Waxaa Goor Dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ka soo degtay Diyaaraddii sidday Gaadiidka Gurmadka deg dega ah iyo Shaqaalaha Caafimaad ee uu Soomaaliya u soo diray Madaxweynaha Turkiga si ay uga qeyb qaataan Gurmadka lagu Samatabixinayo Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii lagula beegsaday Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,Kuxigeenkiisa iyo Wasiirro ka tirsan Xukumnadda,waxaana sidoo kale la geeyay Garoonka Aadan cadde 30 Qof oo Dhaawacyo Culus qaba kuwaas oo ay qaadi doonto Diyaaradda laga leeyahay Wadanka Turkiga ee hadda timid Magaalada Muqdisho.
Diyaaraddaan ayaa ah middii ugu horeysay ee Qaada dadka Dhaawacyada Culus ah,waxaana sidoo kale jira Dalal ku dhawaaqay in ay qaadi doonaan Dhaawacyada dalka Gudihiisa wax looga qaban waayay
Leave a Reply