Dowladda Jabuuti ayaa diyaarad gargaar oo caafimaad sida u soo dirtay magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii dadka faraha badnaa ku dhamaadeen ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Isgoyska Zoobe.
Safiirka Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya Amb. Aadan Hassan Aadan oo la hadlayay Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa sheegay in Diyaarad shixnad daawo sida oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Jabuuti ay ku soo wajahan tahay magaalada Muqdisho.
Safiirka ayaa sheegay in Wasiirka ay la socdaan illaa 25 dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo qeyb ka noqonaya gurmadka iyo samata bixinta dadka ay xaaladooda liidato.
Waxaa uu sheegay in Jabuuti ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay aad uga xun yihiin wixii dhacay.
Turkiga ayaa noqday dalkii u horeeyay ee u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed, waxaana diyaarado caafimaad iyo kuwa Milateri u direen magaalada Muqdisho, si ay dhaawacyada aadka u liita u soo qaadaan.
Ku dhowaad afartameeyo dhaawacyo ah ayaa loo qaaday dalka Turkiga, kuwaasoo ahaa dadka xaaladooda caafimaad dalka wax looga qaban waayay.
Leave a Reply