Meydad hor leh oo Maanta laga soo saaray Dhismeyaashii ku Bur-buray Qaraxii Zoobe

Wararka aan ka heleyno Goobtii uu ka dhacay Qaraxii Xanuunka badnaa ee lagu Xasuuqay Dadka Rayidka ah ayaa sheegaya in Maanta Meydad hor leh laga soo saaray Goobtaasi islamarkaana weli ay socdaan Baadigoobka loogu jiro Dad laga cabsi qabo in weli ay ku hoos jiraan Dhismeyaasha Dumay Hoostooda.

Illaa 6 Qof oo Meyd ah ayaa la sheegay in Saakay illaa Maanta laga soo saaray Guryaha Dumay Hoostooda,waxaana weli socda Dadaalada lagu raadinayo in dad kale ay ku hoos jiraan Dhismeyaasha Dumay.

Qaraxii ka dhacay Soobe oo ay ku dhinteen in kabadan 300 oo Qof ayaa marba marka ka dambeysa waxaa soo baxaya in Tirada dadka Shacabka ah ee ku dhintay ay yihiin kuwo sii kor-dhaya.

Waxii ku soo kordha Dib kala soco Insha Allah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.