Dad nool ama kuwa dhintay ayaa wali laga baadi goobayaa dhismiyaashii ku bur buray Qaraxii lagu dhamaaday ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho waxaana habeen iyo Maalin shaqo ku jira Ciidanka Dowladda ee Aaggaas ka Howlgalaya.
Rajo weyn ayaa laga qabaa in la soo saaro dad nool oo ku jira dhismiyaasha Hoostooda kuwaas oo shalay ilaa waqtigaan Baadi goob loogu jiro kadib markii qaarkood Shalay Subax ay dhawaaq Sameeyeen kadibna Codkoodii la waayay.
Sidoo kale Shacab badan oo baadi goob ugu jira in ay Helaan Dad ka maqan ayaa wali habeen iyo Maalin taagan Aagga Zoobe oo ay ka dhacday Musiibo Culus.
Ciidanka Xoogga ee wada Howlgalka Samatabixinta ayaa rajo muujinaya in ay soo saaraan balse waxaa halkaasi ka taagan xaalad adag Sababtoo laguma shaqeyn karo Gaadiidka Cagaf Cagafta oo laga Cabsi qabo in uu dhib kale usii geesto dadka halkaasi ku jiro hadii ay nool yihiin sidoo kale Ciidanka Ma heystaan qalab aan gaadiidkaas aheyn oo ay dhagxaanta Culus ee shubta ah ku qaadaan waana tan Sababtay in waqti dheer Howlglka qaato.
Wariye ka tirsan Radio kulmiye ayaa sidoo kale taagan aagga ay Musiibada ka dhacday tan
Leave a Reply