Waxaa maanta la filayaa in garoonka diyaaradaha ee aadan cadde ay ka soo degto diyaarad sida gurmad caafimaad oo laga leeyahay dalka Qatar,si ay qeyb ugu qaadato dadaalada lagu samatabixinayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay isgooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Diyaaradan ayaa waxaa la socda shaqaale caafimaad oo u dhashay wadanka Qatar,waxaa ayna maanta qaadi doontaa qaar ka mid ah dadka qaba dhaawayada halista ah.
Sidoo kale waxaa la sheegay in diyaaradan ay keeni doonto daawooyin caafimaad,si loogu baxnaaniyo dadka dhaawaca ah ee ku jira isbitaalada magaalada muqdisho.
Dhanka kale Qaar ka mid ah Dhaqaatiirta caafimaad ee u dhashay dalka jabuti oo ku sugan Magaalada muqdisho ayaa Maanta waxaa ay bilaabi doonaan sidii ay ugu gurman laheyd dadka shacabka ah ee ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay isgooska Zoobe ee Magaalada muqdisho.
Garoonka Aadan Cade ee Magaalada muqdisho ayaa shalay waxaa soo gaartay diyaarad gar-gaar oo uu soo diray madaxweynaha dalka jabuuti ismaaciil cumar geelle.
Waxaa ayna manta diyaaradan laga leeyahay dalka Jabuuti ay qaadi doontaa qaar ka mid ah dadka qaba dhaawacyada halista ah.
Magaalada Muqdisho ayaa weli waxaa ka soconaya gurmadka loo sameynayo dadka rayidka ah ee ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay isgooska Zoobe ee Magaalada muqdisho
Leave a Reply