Wararka naga soo gaarayo magaalda Hobyo ee Gobalka Mudug ayaa soo sheegayo in maanta halkaasi ay gaareen wafdi ka socda Qaramada Midoobay waxaana ay kulamo la qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.
Mas’uuliyiinta Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay Sababta ay u tageen Wafdigaas Magaalada Hobyo in ay tahay gurmad loo sameynaayo dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee ku sugan gobolka Mudug ee Galmudug.
Waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo sidoo kale kan degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Magaalada Hobyo ayaa ka mid ah Meelaha ay Saameynta balaaran ku yeelatay Abaaraha ka jira Dalka waxaana wali ka taagan Saameyntii Abaarta.
Wafdigaan ayaa qiimeyn doona Xaaladda degaanka Waxaana laga yabaa in ay Warbaahinta la hadlaan kormeerkooda kadib
Leave a Reply