Masuuliyiinta maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegey in Ciidamada ay gaareen degaanada Mareerey, Sabiible iyo Caanoole oo dhammaantood dhaca duleedka degmada Afgooye.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in Ciidanka ay xaqiijinayaan degaanada ay la wareegeen, wuxuuna tilmaamay Shabaab in ay isaga baxeen degaanadan.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Ciidamada aysan dib uga bixi doonin degaanadan ay la wareegeen, isaga oo tilmaamay hadafka in uu yahay in Ciidamada ay horey u sii socdaan oo aysan dib u soo laaban.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maalinta berri ah la filayaa in uu ku dhawaaqo in dalka uu galay xaalad dagaal oo ka dhan ah ururka Al-shabaab.
Leave a Reply