Aqalka Sare oo ka doodaya khilaafka dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada

Kulanka maanta ayaa ajandihiisu yahay labo qodob oo kala ah khilaafka dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada, sidoo kale khilaafka ka dhex taagan Maamulka Galmudug, kaddib markii bishii la soo dhaafay Xildhibaanada ay sameeyeen xil ka qaadis iska soo horjeeda.

Aqalka sare oo u muuqday mid howl gab laga dhigay howshiisa ayaa markii u horeysay soo fara gelinaya khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo rasmi ahaan Aqalka sare ku matalo Federaalka.

 

Warar ku dhow dhow Guddoonka Aqalka sare ayaa sheegaya in kulanka maanta laga soo saari doono warbixin la xiriirta khilaafka dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, iyo sida loo xalin karo.

Maamul goboleedyada ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada iyo Xukuumadda inay fara gelin ku hayaan, isla markaana ku howlan yihiin kacdoono siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxda maamulada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Madaxda maamul goboleedyada, isugu yeeray shir 28-ka bishan ka dhici doona magaalada Muqdisho, si khilaafka jira loo xaliyo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.