Ra”iisul Wasaare Kheyrre oo Berri ka qeyb geli doona Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabelle

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa Berri aadi doona Magaalada Jowhar Ee Caasimadda Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle,halkaas oo uu uga qeyb geli doono Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hor-dhac u ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa Maanta tagaya Magaalada Jowhar oo berri lagu qabanayo Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Dhanka kale Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana Magaalada lagu daadiyay Ciidamo badan oo isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid kuwaas oo Xaqiijinaya Ammaanka Wafuuda ka qeyb galeysa Caleemasaarka.

Sidoo kale Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle waxaa ka qeyb geli doona qaar kamida Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada oo lagu Casuumay Xafladda caleemasaarka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.