Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay inuu kafaalo qaaday waxbarashada ardaydii waalidkood
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa booqday qaar ka tirsan qoysaskii dhibku ka soo gaaray Musiibadii 14 October uuna Maamulkiisu si gaar ah mas’uuliyad isaga saaray ineysan Waxbarashada ka istaagin Ardaydii Aabayaashood ku waayey Musiibadii Isgoyska 14-ka Oktoobar.
Gudoomiyaha Gobolka Benaadi ahna Duqa Magaalada Mudane Thaabit Cabdi ayaa la xiriiray iskuulada ay dhiganayeen Ardaydaas, ayna ku wargeliyeen in Maamulka Gobolka Banaadir uu kafaalo qaaday waxbarashadooda uuna bixin doono wixii qarash ah ee laga rabo caruurtaas.
Leave a Reply