Ciidamada Kenya oo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dilay Lamu

Ciidamada Milatariga Kenya ayaa la sheegay in Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay ku dilayn Gobalka Xeebta ee Lamu sida ay maanta daabaceyn Warbaahinta Wadankaasi.

Afayeen u hadlay Ciidamada Kenya oo lagu magacaabo David Obonyo ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeyn Saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Mararani oo ka tirsan Lamu waxaana lagu dilay Ugu yaraan afar ka tirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo Saldhigaasi ku sugnaa.

Sidoo kale afayeenka u hadlay Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay soo furteyn hub iyo qalab laga sameeyo Qaraxyada gaar ahaan Qaraxyada Bam baanooyinka ah sidoo kalane ay xaruntaasi ka helayn xog kale oo muhiim u ah Howlgalka Kenya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.