Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar qaatay saddex cisho oo uu ku tagay dalalka deriska ee Cidiamada ka jooga Soomaaliya.
Waxaaana garoonka ku soo dhaweyay xildhibaano iyo xubno ka tirsan gulaha wasirada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa uu wariyeyaasha u sheegay in dalalka deriska uu kala hadlay sidii ciidamada xoogga dalka ay gacan ugu siin lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhamaan Madaxda dalalkii uu booqday ay isku afgarteen in meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab, isla markaana loo midoobo dagaalka lagu qaadayo.
Leave a Reply