Koox Bastoolado wadatay ayaa Xalay Xaafadda Seybiyaano ee Degmada Hodan ku dishay Haweeney ka mid aheyd Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Lagu Magacaabo Kaaho Jaamac Cilmi.
Dableeyda Dilka geysatay ayaa la sheegay in Dukaan ay ku laheyd Xaafadda Seybiyaano Marxuumada la dilay ay Gudaha ugu galeen islamarkaana ay ku dhex dileen.
Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Xalay illaa Saakay Baaritaano ka wada Qeybo kamida Degmada Hodan,kuwaas oo baadigoob ugu jira Dableeydii Dilka geysatay.
Magaalada Muqdisho waxaa dhowr jeer ka dhacay Dilal Qorsheysan oo loo geysto Ciidan iyo Dad Shacab ah intaba
Leave a Reply