Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Booliska Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Xudur ayaa waxa ay bilaabeen sidii dagaalo ay ugu qaadi lahaayeen goobaha ururuka Al-shabaab ay kaga sugan yihiin dhammaan degaanada hoostaga degmada Xudur.
Weerarkii ugu horeeyay Ciidamada ku sugan degmada Xudur waxay ku qaadeen degaan lagu magacaabo Koorkoor, oo degmada Xudur u jira qiyaastii 40-KM, kaasi oo in mudo ah gacanta ay ku hayeen Shabaabka.
Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed oo la hadlay Risaala ayaa sheegay howlgalada in ay u socdaan si wanaagsan, sidoo kalena inta ay socdaan Howlgalada la burburiyay saldhigyo Shabaab ay leeyihiin.
Wuxuu kaloo sheegay Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed howlgaladan in aysan joogsan doonin ilaa Shabaab lagaga saaro dhammaan degaanada ay kaga sugan yihiin degmada Xudur
Leave a Reply