Wasiir beyle oo Markale ku celiyay in Dowlada ay bil walba bixiso Mushaarka Shaqaalaha Dowlada oo cabasho laga muujiyay

Iyadoo maalmihii dambe ay Soo baxayeen warar Sheegaya in Shaqaalaha u shaqeeya Dowlada Soomaaliya aysan Mushaar qaadan dhowr bilood ah ayaa Arintan waxaa si kulul ugu hadlay C/raxmaan Ducaale Beyle  Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa uuna  sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xil gaar ah iska saartay siddii loo joogteyn lahaa Mushaarka shaqaallaha dowladda, ayna dhammaan shaqaalaha  helaan  xaquuqdooda dhammaadka bil walba,inkastoo weli walaac uu jiro.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay dhammaatay in la musumaasuqo Mushaar shaqaale loogu talo galay,isagoona Tilmaamay in Wax cabashon ah haatan uusan soo gaarin Wasaarada maaliyada oo ku aadan in qof shaqaale ah oo ka cabanaya mushaarkiisa oo aan la siinin.

Wasiir beyle ayaa waxaa uu Shacabka  ugu baaqay in ay bixiyaan Canshuurta, si hormar loogu gaaro daqliga soo gala Dowlada Soomaaliya iyo midka ka baxa.

Wasaarada maaliyada Soomaaliya ayaa marar badan ku cel-celisay in bilkasta la siiyo mushaarkooda oo ay xaqa u leeyihiin Shaqaalaha u shaqeeya Dowlada Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.