Magaalada Muqdisho ayaa saacaddaha soo socda waxaa kusoo wajahan Madaxda maamul goboleedyadda intooda badan.
Madaxda maamulada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa lagu waddaa in ay soo gaaraan Muqdisho si ay uga qeyb galaan Shirka ka furmaya Muqdisho.
Garoomadda diyaaradaha Magaalooyinka maamulada ayaa laga dareemaya diyaargarowga soo bixitaanka Madaxda maamulada.
Maanta ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka furmaya Shirkii todobaadkii hore uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in dowladda iyo maamulada ay shiraan.
Shirkaan ayaa waxaa si weyn diiradda loogu saari doonaa Khilaafka ka dhaxeeya dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda
Leave a Reply