
Sida ay Sheegayaan Wararka Waxaa Saakay Xildhibaanada Golaha Shacabka hortagi doono Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.
Ajendaha kulanka ayaa ah Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Batroolka ,maadaama kol sii horeysay Wasaarada batroolka iyo macdanta Soomaaliya ay gudbisay Sharcigan.
Wasiirka batroolka iyo macdanta Ayaa Maanta waxaa la filayaa in Golaha shacabka uu u faahfaahin doono hindise sharciyeedkan oo maanta maraya aqrintiisa 1-aad.
Cabdi weli Sheekh Ibraahim Muudey Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta shir gudoominaya kulanka Golaha Shacabka
Leave a Reply