Guddiyada Amniga iyo Difaaca oo kulan ka yeeshay ammaanka dalka

Guddiyada Amniga iyo Difaaca ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta gelinkii dambe kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen xaalada ammaan ee dalka.

Kulankan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya maanta ay guddoonka Golaha shacabka ku wareejiyeen Mooshin la xiriira xaaladda amni ee dalka oo sii xumaaneysa.

Kulanka Guddiyada Difaaca iyo Amniga Baarlamaanka ee galabta ka dooday mooshinka maanta ay ku wareejiyeen Xildhibaannada ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Mooshinkan waxaa uu imanayaa iyada oo shalay Golaha wasiirrada Soomaaliya ay xilkii ka qaadeen Taliyayaashii Nabad Sugidda iyo Booliska Soomaaliya kaddib weerarkii Sabtigii ka dhacay Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.