Maamulka degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayaa markii ugu horeysay bilaabay Howlgal lagu burburinayo dhismayaasha Sharci darada ah iyo kuwa ku yaala Degmadaasi,Waxaa uuna maamulka sheegay in horay waqti ugu qabtay in ay uga guuraan dadka degan goobahaasi.
Inta badan dadkii shacabka ahaa ee deganaa hareeraha wadooyinka ayaa si iskood ah u burburiyay Dhismayaasha Xarumaha Degmada, waxaana ay soo dhaweeyeen amarka kasoo yeeray maamulka Dhuusamareeb.
Mid ka mid ah Dadkii mudada badan deganaa Xarumaha maamulka degmada dhuuso mareeb ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in isaga uu gacantiisada ku burburiso dhismahaasi, maadaama uu sheegay in hadda laga wada shaqeynayo bilicda degmada.
Macalin nuur cilmi cabdulle oo ah gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ee gobalka galgaduud ayaa isna u mahad celiyay shacabka iskood u dumiyay dhismayaashaasi, ka dib kormeer uu halkaasi ku tagay.
Waxaa uuna Sheegay in hada ay bilaabeen sidii ay u bur-burin lahaayeen Dhismayaasha Sharci darada ah ee ka jira magaalada dhuuso mareeb,isagoona shacabka ugu baaqay inay door wanaagsan ay ka qaataan Hormarinta Degmada Dhuuso Mareeb ee gobalka galgaduud.
Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka soconaya dib u dhis ballaaran, iyadoo dhanka kale magaalada oo dhan ay ka socoto nadiifin.
Leave a Reply